Soomaaliya iyo Pakistan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhinacyada amniga, waxbarashada iyo ganacsiga

5

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha kadib wadahadalo ku dhexmaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga masuuliiyin ka kala socotay labada dalka oo halkaasi uga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa magaalada Jeddah kulan gaar ah kula qaatay Raysal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Pakistan Senator Mohammad Isxaaq Dar oo ka qeyb galay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

“Labada masuul ayaa kulankoofa isku afgartay in la balaariyo iskaashiga laba geesoodka ah oo ay ka mid yihiin amniga, tababarada ciidamada, daryeelka caafimaadka iyo horumarinta hay’adaha dowladda” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kulankooda uga arinsaday fududaynta nidaamka fiisaha iyo fududaynta isu socodka muwaadiniinta labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan, waxaana Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali uu ka dalbaday dhigiisa dalka Pakistan in la kordhiyo barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee Pakistan ay siiso ardayda Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Pakistan Senator Mohammad Isxaaq Dar ayaa dhankiisa  xaqiijiyey sida ay Pakistan uga go’an tahay xasiloonida Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday in Islamabad ay diyaar u tahay in ay hormariso xiriirka kala dhaxeeyo dowladda