Israa’iil ayaa duqeyn culus ka fulisay caasimadda Yemen ee Sanca, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Israa’iiliyiin iyo Yemeni ah, weeraradan cusub ayaa colaada kusii fidinaya gobolka xilli dagaalka Gasa uu weli socdo.
Weerarradan ayaa yimid kadib markii kooxda Xuutiyiintu ay hore u sheegtay in ay gantaallo ku garaacday Israa’iil si ay cadaadis ugu saarto inay joojiso xasuuqa ka socda Qasa.
Telefishinka Al Masirah ee Xuutiyiinta taageera ayaa sheegay in duqaymaha lagu beegsaday xarun shidaal iyo warshad koronto oo ku taalla Sanca, halka dowladda Israa’iil ay sheegtay in badhtilmaameedkoodu uu ahaa qasriga madaxtooyada oo ay ku tilmaameen inuu ku yaallo “goob ciidan”. Sawirro laga helay goobta ayaa muujinaya qiiq madow oo cirka isku shareeray iyo dab waaweyn oo ka dhashay qaraxyada.
Wararku waxay xaqiijiyeen in ugu yaraan lix qof ku dhinteen duqeynta, halka 86 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Telefishinka Al Masirah. Duqeyntan ayaa daba socotay weerar gantaal ah oo Xuutiyiintu labo maalmood ka hor ku qaadeen Israa’iil, taas oo qayb ka ah ol’ole ay ku sheegaan in lagu difaacayo shacabka Falastiin.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in weerarrada Sanca lagu qaaday ay jawaab u yihiin “weerarro isdaba joog ah oo kooxda Xuutiyiintu ka soo qaaday dhulka Yemen.” Balse masuuliyiinta Xuutiyiinta ayaa beeniyay sheegashadaas, iyagoo ku eedeeyay Israa’iil inay si ula kac ah u beegsanayso kaabayaal muhiim ah shacabka Yemen.
Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda difaaca Xuutiyiinta, qasriga madaxtooyada ee la duqeeyay “hore ayaa loo banneeyay sanado ka hor”, taasoo uu ku tilmaamay caddayn kale oo muujinaysa in Israa’iil ayna beegsanin badhtilmaameedyo ciidan. “Waxa ay sameynayaan waa falal arxan darro ah oo ka dhan ah shacab,” ayuu yidhi sarkaalkaasi.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku adkaysatay in duqeymaha Israa’iil ayna joojin doonin taageeradooda ay u hayaan Qasa. Maxamed al-Bukhayti, oo ka tirsan hogaanka Xuutiyiinta, ayaa yidhi: “Israa’iil waxay rumeysan tahay inay naga baajin karto taageerada Gasa, balse arrintu way naga go’an tahay, annaga waxa naga dhexeeya waa janno ama cadaab.”