Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay hufnaanta lacag $153 milyan ah oo Bangiga Adduunka ku bixiyey mashruuca Baxnaano

6
 Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay hufnaanta barnaamijka gargaarka bulshada ee Baxnaano, oo ay maalgelisay Bangiga Adduunka isla markaana uu maamulo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP), laguna bixiyey lacag dhan $153 milyan sanadkii 2024.

Warbixin uu maalmo ka hor soo saaray Xafiiska Hanti-dhowraha Guud (OAG) ayaa lagu sheegay in WFP aysan dowladda la wadaagin xogta ku saabsan qoysaska ka faa’iideystay gargaarka, taas oo dhalisay shaki ku saabsan in lacagtu gaarto dadka loogu talagalay iyo in kale.

“WFP weli xogtii lagama maarmaanka ahayd ma gudbin, taas oo muhiim u ah hubinta in gargaarku gaaro dadka xaqa u leh,” ayuu yiri mas’uul dowladeed.

Sidoo kale, heshiis wax-ka-beddel ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda WFP, oo ah in xogta la wadaago, lama diiwaan gelin xafiiska hanti-dhowraha, taas oo sare u qaaday walaaca sharci iyo maamul ee barnaamijka.

Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday iskaashi ka wanaagsan oo ay la yeelato WFP iyo hay’adaha kale si loo xaqiijiyo kormeer iyo isla-xisaabtan hufan, loona hubiyo in lacagaha shacabka loogu talagalay si sax ah loo maareeyo.

WFP oo mas’uul ka ah maaraynta iyo bixinta lacagahan, weli ma aysan wadaagin wax xog ah oo ku saabsan dadka ka faa’iideysanaya, taas oo dowladda Soomaaliya ka hor istaagtay in si madaxbannaan u xaqiijiso in lacagta loo isticmaalayo si sax ah.