Tababarkan oo si wadajir ah u qabanqaabiyeen CCCPA iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Masar, ayaa waxaa ka qeyb qaatay dowladda Japan oo door muuqda ka qaadatay taageerada farsamo iyo mid dhaqaale.
Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (#AUSSOM) ayaa lagu beddelayaa howlgalkii hore ee ATMIS, iyadoo diiradda la saarayo dhismaha awoodaha amni ee Soomaaliya, taageeridda ciidamada qaranka iyo hubinta in kala guurka amni uu noqdo mid deggan oo guul leh.
Masar ayaa markan noqotay dal kaalin muuqata ka qaadanaya xoojinta amniga Soomaaliya, iyadoo cutubyadeeda la diyaarinayo ka hor inta aanay u dhaqaaqin goobta hawlgalka.
Tababarka ayaa xoogga lagu saaray xirfadaha ilaalinta nabadda, iskaashiga caalamiga ah iyo la qabsiga xaaladaha adag ee gudaha Soomaaliya.
Qaramada iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera nabadgelyada Soomaaliya ayaa sii xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodaha ciidan ee la geeyo gudaha Soomaaliya.