Puntland oo sheegtay in 700 dagaalamayaal ajaanib ah lagu dilay buuraha Calmiskaad

3

Puntland ayaa ku dhawaaqday in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari lagu dilay ku dhawaad 700 dagaalyahan oo ajaanib ah tan iyo markii howlgalkan la bilaabay dabayaaqadii sannadkii hore.

Puntland ayaa sheegtay in Soomaalida ku dhintay howlgalkaas ay ahaayeen shan qof oo keliya.

Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda, ayaa xogtan shaaca ka qaaday xilli uu wareysi siinayay telefishinka caalamiga ah ee Sky News, oo warbixin ka diyaarinayay dagaalka Puntland kula jirto kooxda Daacish.

Dhabancad ayaa weriyaha Sky News, Alex Crawford, tusay baasaboorrada dagaalyahanno ka yimid in ka badan 20 waddan oo muwaadiniintooda u yimaadeen inay Daacish u dagaalamaan. Muwaadiniintaasi waxay ka yimaadeen Yurub, Ameerika, Afrika iyo Aasiya.

Sida uu sheegay, inta badan ajaanibta u dagaalamaysay Daacish waxay dalka ku soo galeen si sharci darro ah ama qaab qaxooti, tusaale ahaan dagaalyahanno ka yimid Itoobiya oo ku soo galay Puntland iyagoo iska dhigaya qaxooti, ka dibna ku biiray Daacish.

Sidoo kale, dagaalyahanno kale ayaa si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen iyagoo adeegsanaya doomaha tahriibka, iyagoo aan wadan wax dukumeenti ah sida baasaboorka.

Puntland ayaa sheegtay in hadda la dilay 70% dagaalyahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, isla markaana tirada haatan ku harsan ay aad u kooban tahay marka loo eego Soomaalida.