Dowladda oo Wajahaysa Eedeymo Culus Xilli Uu Gabaabsi Ku Yahay Muddo-Xileedkeeda

2

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wajahaysa eedeymo culus oo kaga imaanaya siyaasiyiin iyo madax hore, iyadoo lagu eedeeyay barakicin joogto ah, awood sheegasho, iyo cadaadis ka dhan ah saboolka Soomaaliyeed, xilli uu gabo-gabo ku dhow yahay muddo-xileedka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre iyo qaar kamid ah madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa si cad u sheegay in dowladda haatan jirta ay ku xadgudubtay xuquuqda shacabka, iyagoo xusay in dowladda laga filayey ilaalin iyo difaac, balse halkii laga filaayey ay ku kacday tacaddiyo iyo boob hantiyeed.

Madaxdaas hore ayaa sheegay in muwaadiniin badan oo rayid ah si khasab ah looga barakiciyey guryahooda gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo aan la siin xalal bini’aadantinimo iyo magdhow.

Waxay sheegeen in ay jiraan falal lagu tilmaamay ku-takri-fal awoodeed iyo hantida shacabka, kuwaasoo si gaar ah loogu beegsanayo dadka saboolka ah ee aan lahayn awood ay iskaga difaacaan.

“Dowladdu waxay u muuqataa mid ka shaqeyneysa danaha koox gaar ah, iyadoo adeegsaneysa hay’adaha dowladda si ay u cadaadiso shacabka,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre, isagoo ka digay in tallaabooyinkaas ay keeni karaan kacdoon shacab ama is-difaac bulsho oo ka dhan ah xadgudubyadaas.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shacabka Muqdisho ay dareemayaan cabsi iyo caro isa-saaray, taasoo laga yaabo in ay horseedo fal-celin xooggan oo ka dhan ah dowladda, haddii xaaladda ay sidan kusii socoto.

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo mucaaradka siyaasadeed ay bilaabeen dhaleeceyn adag oo ka dhan ah maamulka hadda jira, waxaana la saadaalinayaa in ay sii kordhi doonaan cadaadisyada siyaasadeed iyo shacab marka la gaaro waqtiga doorashooyinka