Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan siyaasadeed iyo mid talo-wadaag ah la yeesho isimada dhaqanka ee gobollada Sanaag iyo Haylaan, kuwaas oo shalay gaaray magaalada Boosaaso.
Kulanka ayaa yimid kadib markii uu dib u dhacay safar Madaxweyne Deni uu ku tegi lahaa magaalooyinka Dhahar iyo Badhan, halkaas oo qorshuhu ahaa in uu si toos ah ugula kulmo bulshada iyo isimada deegaannadaas.
Madaxweyne Deni ayaa waday kulamo siyaasadeed iyo abaabul ballaaran oo ka dhan ah maamulka cusub ee DFS taageerada ka heshay, isaga oo doonaya in Puntland ay sii wado doorkeeda hoggaamineed ee siyaasadda gobollada waqooyi.
Isimada dhaqanka ee gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa kulankan uga qeyb galaya sidii ay u dhageysan lahaayeen aragtida Madaxweyne Deni, ayna uga dhiiban lahaayeen talo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan waqooyiga Soomaaliya.