Ehelada Dadkii Ku Dhintay Dagaalkii Tarabuunka oo Ka Cabanaya Barakicin iyo Cadaalad La’aan

2

Mid kamid ah eheladii dadkii ku dhintay dagaalkii dhawaan ka dhacay xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan ayaa sheegay in ay la kulmeen qaar kamid ah xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto gobolka Banaadir, iyagoo uga warbixiyay xaalada dadka ay dhibaatadu saameysay.

Dagaalkaas oo dhexmaray ciidamo dowladda federaalka ah iyo maleeshiyaad u abaabulan hab qabiil ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, kuwaas oo ku sugnaa guryahooda xilligii iska horimaadka.

Nabadoon Muuse Dheere, oo kamid ah ehelada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka, ayaa sheegay in kulanka uu ka dhacay xarunta degmada Hodan, halkaas oo xildhibaanadu uga soo jeediyeen talo ah in dadka shacabka ah laga saaro dhulka dowladda, iyadoo la sheegay in laga sameynayo xarumo dowladeed ama ganacsi.

“Xildhibaanadu waxay noo sheegeen in shacabka laga rarayo dhulka dowladda, balse dadka waxyeelada soo gaartay wax ay u qaban doonaan. Laakiin ma jirto caddeyn ama qorshe rasmi ah,” ayuu yiri Nabadoon Muuse Dheere.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay sanadkii 2022, waxaa soo badanayay barakicinta dadka ku nool guryaha la sheegayo in ay yihiin dhulal danta guud ah, kuwaas oo qaarkood la sheegay in loo wareejiyay ganacsato ama laga dhisayo xarumo cusub oo dowladeed.

Ehelada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay iska horimaadka Tarabuunka ayaa ku baaqaya in la helo caddaalad, lagana joojiyo ku takri-falka awoodda, iyagoo xusay in shacabka lagu dulmayo magaca “danta guud”.

Waxaa sii kordhaya walaaca ku aaddan barakicinta dadka rayidka ah ee ku nool guryaha ay sanado badan deganaayeen, iyadoo aan la helin xalal waara ama magdhow dhab ah.