Dagaalka Beled-Xaawo oo saameyn ku yeeshay amniga Mandheera

4

Dadka ku nool magaalada Mandera ee waqooyi bari Kenya ayaa wajahaya cabsi iyo walaac baahsan kadib markii rasaas iyo gantaallo ka yimid dagaalka ka socda Soomaaliya ay ku dhaceen gudaha Kenya.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta iyo hubka dagaalka laga maqlayo Soomaaliya ay si toos ah ugu dhacayaan xaafadaha magaalada.

Senator-ka Mandera, Ali Roba, ayaa sheegay in xaaladdu ay aad u khatar badan tahay, isagoo xusay in qoysas badan ay cabsi darteed u baqayaan, caruurtuna aysan dibedda ku ciyaari karin.

Roba wuxuu sheegay in dadka Mandera aysan u qalmin in ay ku noolaadaan xaalad dagaal joogto ah.

Roba wuxuu dowladda Kenya ugu baaqay inay arrintan si degdeg ah wax uga qabato oo ay la hadasho dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland si dagaalka loo joojiyo, maadaama uu xadka Kenya kusoo fidayo. Wuxuu sheegay in dowladdu ay mas’uul ka tahay badbaadinta shacabka iyo hantidooda.

Dhanka Soomaaliya, magaalada Beled-Xaawo ee ku dhow Mandera ayaa laga soo sheegayaa xiisad siyaasadeed iyo mid ciidan oo ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo Jubaland. Magaaladaas waxaa lagu arkay ciidamada dowladda Federaalka oo la wareegay, taasoo keentay inay kacdo xiisad xooggan.

Waxaa la sheegay in madaxweynaha kuxigeenka Jubaland uu siiyey Abdirashid Janan — oo ah taliyaha NISA ee Gedo — muddo saddex maalmood ah inuu magaalada ka baxo, balse odayaasha deegaanka ayaa ku guuleystay in la siiyo waqti dheeri ah ilaa salaadda Jimcaha.

Dadka deegaanka Mandera ayaa ka baqaya in dagaalkaas uu si buuxda ugu fidiyo dhinaca Kenya. Waxaa jira warar sheegaya in diyaarado dagaal oo Itoobiya leedahay lagu arkay meel u dhow halka uu Janan ku sugan yahay, taas oo sii kordhisay tuhunka ah in dagaalka ay dalal shisheeye lug ku leeyihiin.

Shacabka ayaa ugu baaqay dowladaha iyo beesha caalamka inay arrintan si degdeg ah u dhex galaan si dadka rayidka ah loo badbaadiyo.