Shirkan wuxuu daba socda wadatashiyo dhowr ah oo ay bilihii la soo dhaafay la yeesheen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo in ay Dowladdu aysan ka jawaabin qaar kamid ah dalabaadka Mucaaradka ee wax kabadelka Dastuurka iyo arrimaha Doorashada.
Kulankaas ayaa la sheegay inuu kusoo dhammaaday is-faham la’aan, iyadoo dood kulul laga yeeshay isbeddellada lagu samaynayo dastuurka, gaar ahaan cutubka afraad ee dastuurka oo ka hadlaya habraacyada doorashooyinka iyo awoodaha dowladda.
Xubnaha mucaaradka ayaa la filayaa inay warbaahinta la hadlaan si ay uga faalloodaan qodobbada lagu muransanaa iyo walaacyadooda siyaasadeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilihii u dambeeyay qaadayay dadaallo uu ku doonayo inuu ku xalliyo tabashooyinka mucaaradka, si loo helo hannaan doorasho oo loo dhan yahay oo ay bulshadu si ballaaran u aqbasho.