Tan iyo markii Israa’iil bilowday dagaalka ka socda Qasa 7-dii Oktoobar 2023, beegsiga saxafiyiinta ayaa noqday mid joogto ah oo u muuqda qorshe la dhisay sida ay sheegtay Al Jazeera. Saxafiyiinta ku sugan Qasa waxay noqdeen badhtilmaameedyo, iyaga oo lagu dilayo weerarro si ula kac ah loogu fuliyo meelaha ay ka shaqeeyaan.
Tirakoobyo ay diyaariyeen hay’adaha madaxbannaan ayaa muujinaya in ku dhawaad 270 saxafi iyo shaqaale warbaahineed lagu dilay Qasa muddo 22 bilood ah. Celcelis ahaan, 13 saxafi ayaa bishii ku nafwaaya weerarrada Israa’iil, taasoo ka dhigtay dagaalkan kii ugu dhimashada badnaa ee abid ku dhaca wariyeyaasha.
Beegsiga saxafiyiinta ayaa dhacaya xilli warbaahinta caalamiga ah laga mamnuucay inay gudaha u gasho Qasa. Taas macnaheedu waa in wariyeyaasha reer Falastiin ay yihiin indhaha iyo dhegaha kaliya ee caalamku ku ogaan karo waxa ka socda halkaas. Dilkoodu wuxuu si toos ah u xidhayaa marin kasta oo xaqiiqada lagu soo bandhigi karo.
Weeraradii ugu dambeeyay ayaa lagu beegsaday xarumo saxaafadeed iyo goobaha ay wariyeyaashu ku shaqeeyaan, sida teendhooyinka agagaarka isbitaallada iyo meelaha gargaar bixinta. Waxaa dhacday in si gaar ah loo beegsado baabuurta ay ku calaamadsantahay “PRESS” oo ah calaamada warbaahinta iyo wariyayaasha xidhan jaakadaha warbaahinta.
Hay’adaha xuquuqda aadanaha sida Amnesty International iyo Wariyayaasha Aan Xuduuda Lahayn ayaa ku tilmaamay dilalkaas dambiyo dagaal, maadaama uu sharciga caalamiga ahi uu si cad u difaacayo wariyeyaasha goobaha dagaalka. Waxay ku baaqeen in la sameeyo baadhitaan madax-bannaan, balse ilaa hadda tallaabo muuqata lama qaadin.
Xukuumadda Israa’iil waxay marar badan sheegtay in ay beegsanayso “badhtilmaameedyo militari”, balse dhacdooyinka la xaqiijiyay waxay muujinayaan in weerarradu ay yihiin kuwo qorshaysan oo lagu badhtilmaameedsanayo codadka soo bandhiga xasuuqa gudaha Qasa.
Dilka saxafiyiinta Qasa ma aha dhacdo cusub, balse waa qayb ka mid ah taariikhda dheer ee beegsiga wariyeyaasha Falastiin. Shireen Abu Akleh, oo ahayd weriye Al Jazeera ka hawl gasha, ayaa lagu dilay 2022 iyadoo ku guda jirtay shaqadeeda, dhacdadaasna oo aan weli caddaalad loo helin.
Waxaa jira cabsi ah in dilalka joogtada ah ee saxafiyiintu ay abuuraan “war la’an” iyo xaalad la waayo cid si madax-bannaan u diiwaangelisa xadgudubyada iyo dambiyada dagaalka ee ka dhacaya gudaha Qasa. Tani waxay Israa’iil siin kartaa xorriyad ay ku fuliso ficilladeeda iyada oo aan caddayn muuqata laga hayn.