Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay laba askari oo hore uga tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi) kuwaas oo hore loogu helay dambiga dilka.
Labadan askari ayaa lagu eedeeyay in ay u adeegayeen Al-shabaab, iyagoo miino qarax ah ugu dhajiyay sariirta Allaha u naxariistee Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ex Dhamme Ceydiid Maxamed Cali, taas oo sababtay geeridiisa.
Xukunka ayaa maanta lagu fuliyay iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadda Ciidamada.