Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliil adag iyo canaan siyaasadeed u jeediyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu waddanka geliyay kala qaybsanaan, musuqmaasuq baahsan, iyo xukun ku dhisan dano shaqsiyeed oo qoys iyo xulafaysi ku saleysan.
Qoraal uu kusoo dhigay bartiisa Facebook-ga, ayuu Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in waddamada nugul sida Soomaaliya aysan hoggaamintu ahayn oo keliya awood la hanto, balse ay tahay in dib loo soo celiyo kalsoonidii shacabka, aaminaddii dowladda lagu qabay, iyo midnimadii qaranka oo uu tilmaamay in si xawli ah u burburayso.
“Hoggaamiyayaasha dhabta ahi waxay u adeegaan dadkooda, dhiigmiirataduna waxay u adeegaan naftooda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan, isagoo tusaale u soo qaatay sida maamulka Xasan Sheekh u adeegsaday awoodda dowladda si uu u xoojiyo xulafadiisa, qoyskiisa iyo koox yar oo macaash doon ah, halkii shacabka laga garab istaagi lahaa.
Waxa uu sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku shaqeyso hab ku saleysan eex, musuq iyo awood adeegsi, taasoo keentay in shacabka Soomaaliyeed ay ku dhacaan niyadjab, quus iyo kalsooni darro ku aaddan dowladda.
“Sharciyada dowladdu waxa lagu dhisaa waxqabad, laguma dhiso khudbado maran iyo munaasabado tiyaatar ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo xusay in la tirtiray isla xisaabtan, cadaaladna loo leexiyay dhinaca kuwa awoodda leh.
Waxaa kale oo uu xusay in dowladda federaalka ay faragelin siyaasadeed ku hayso maamul goboleedyada, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladaha ka taagan Gedo iyo Raaskambooni.
Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame wuxuu shacabka ugu baaqay in aan la aamusanayn iyadoo danyarta xaqooda laga duudsinayo, laguna naaxinayo maamulka dhiigmiiratada ah. Wuxuu ugu dambeyntii yiri: