Musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareeyeen qaabka ay u socoto doorashada maamulka cusub ee gobolkaas.
Musharraxiintu waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka, iyagoo eedeyn culus u jeediyay Wasiir Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), oo ay ku sheegeen inuu si toos ah u faragelinayo hannaanka doorashada, isla markaana uu taageerayo koox gaar ah si ay ula wareegaan hoggaanka maamulka.
War-saxaafadeedka oo si wadajir ah loo saxiixay, ayaa lagu sheegay in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada ee uu magacaabay Wasiirka aanu ahayn mid sharci ah, uuna si cad ugu adeegayo dano gaar ah. Musharraxiintu waxay sheegeen in tallaabadaasi dhaawacayso kalsoonida bulshada ee geeddi-socodka doorashada, islamarkaana ay abuuri karto khilaaf iyo kala fogaansho bulsho oo keeni kara burbur siyaasadeed iyo mid bulsho.
Waxay digniin u direen dowladda Federaalka, iyagoo xusay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban faragelinta socota, ay mas’uuliyaddeeda yeelan doonto cawaaqib kasta oo ka dhasha.
“Uma dulqaadan doono hannaan doorasho oo la marin habaabiyay, una adeegaya musharrax gaar ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Doorashadu waa in ay ku dhacdaa si hufan, dastuur waafaqsan, iyo rabitaanka shacabka reer Waqooyi Bari.”
Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqay beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in aysan aqbalin hannaan doorasho oo laga leeyahay dano gaar ah, ayna garab istaagaan geeddi-socod doorasho oo hufan, laguna kasban karo kalsoonida shacabka.