Puntland ayaa si adag uga hortimid maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, oo ay ku midaysan yihiin gobollada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa ku tilmaamay maamulkan cusub inuu yahay maamul laga leeyahay aragti siyaasadeed oo gaaban, islamarkaana la doonayo in qalalaase iyo isqabqabsi looga dhex abuuro dadka wada degga Sool iyo Sanaag.
“Waa nasiib-darro in la isku dayo in iska horkeeno dadkii dhulkooda si wadajir ah u difaacanayay. Waan arki doonnaa halka uu ka shaqayn karo maamulka laga dhisay Laascaanood. Waligeedba gobolka Sanaag kama talin wax dusha looga keenay,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.
Cabdirisaaq Qaraaje wuxuu xusay in sababtii Puntland horey ugu aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo ay ahayd duruufo dagaal oo markaas jiray, balse xaaladda maanta taagan wuxuu ku tilmaamay duullaan cad oo lagu hayo midnimada Puntland.
Wuxuu eedayn u jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay isku dayayso inay dalka u kala qaybiso gobol gobol, taasoo uu sheegay in ujeeddadeedu tahay in colaad lagu kala dhex abuuro shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo siyaasiyiinta kasoo jeedda gobolka Sanaag ee wax ka dhisay maamulka Waqooyi Bari ay sheegeen inay dhawaan tegidoonaan gobolkaas si uu maamulka cusub uga shaqeeyo degaanadiisa.