Ciidamada Puntland oo Gacanta Ku Dhigay Laba Xubnood oo ajaaniib ah Kana Tirsanaa Daacish

8

Ciidamada Puntland, kuwaas oo fadhigoodu yahay deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, ayaa xalay gacanta ku dhigay laba xubnood oo kamid ahaa firxadkii argagixisada Daacish ee lagu jebiyay hawlgalkii Calmiskaad.

Saraakiil ka tirsan hawlgalkan ayaa xaqiijiyay in labada xubnood oo ajnabi ah laga qabtay buuraha u dhaw deegaanka Kalabayr, halkaasi oo ay u soo firxadeen, kaddib markii ciidamada Puntland si buuxda u kala daadiyeen awooddii mileeshiyaadka Daacish.

Saraakiishu waxay sheegeen in labada argagixiye loo gudbin doono taliska guud ee hawlgalka Calmiskaad ee magaalada Boosaaso, si baaritaan dhammaystiran loo sameeyo, islamarkaana loo horgeeyo hay’adaha garsoorka, gaar ahaan maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa muujiyay dadaal joogto ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo xasiloonida gobolka, iyagoo ka hortagaya kooxaha argagixisada ee halista ku haya bulshada.