Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal culus uu markale ka bilowday degmadaasi.
Ciidamo kala taabacsan Jubbaland iyo dowladda Federalka ayaa ku dagaalamaya xerada Uk oo halka ay degan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka bilowday kadib markii ciidamada Jubbaland ay weerar ku qaadeen Biyaad gaari oo ku sii jeedaXerada Ciidamada dowladda Federalka ee UK oo ku taala Xaafada Waaberi ee Beled Xaawo.
Khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa jirto, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan karin.
Shacabkii deganaa degmada Beledxaawo ayaa isaga Qaxay.