Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa si uu uga qeyb galo Shirweynaha 2-aad ee Ilaalinta Cunnada Adduunka

4

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saakay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 2-aad ee Ilaalinta Cunnada Adduunka, oo ay soo qabanqaabisay Qaramada Midoobay (UN), iyada oo uu shirkan xoogga saarayo sidii loo heli lahaa xal waara oo lagula tacaalo cunno yari baahsan oo ka jirta dunida.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Kuxigeenka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,Temesgen Tiruneh, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo wakiillo ka socda Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ah mid heer sare ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galaya madaxda dalal badan, hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaasha arrimaha cuntada, si loo dardar geliyo dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka cunnada (food security), lana yareeyo khatarta gaajada iyo nafaqo-xumada gaar ahaan qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo iftiimin doona, Xaaladda cunto la’aanta ee Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika, Dadaallada ay Soomaaliya waddo si loo yareeyo nuglaanta bulshada, Caqabadaha isbeddelka cimilada ee saameeyay wax-soo-saarka beeraha iyo xoolaha iyo Iskaashi caalami ah oo lagu xoojinayo horumar waara.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu saameyn weyn ku yeesho xoojinta taageerada caalamiga ah ee dalalka nugul sida Soomaaliya, iyadoo lagu dhisayo istaraatijiyado wax ku ool ah oo lagu xaqiijinayo helitaanka cunno ku filan, gaar ahaan xilliyada abaaraha ama masiibooyinka dabiiciga ah.