Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi gebi ahaanba aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna sheegay in Mareykanku weli mowqifkiisii hore uu ku taagan yahay Al-Shabaab oo ah urur argagixiso ah.
Dhawaan ayay ahayd markii ay soo shaac baxeen wararka ku saabsan in Mareykanka uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay kooxda Al-Shabaab, taasoo noqon karta isbeddel cusub oo ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya.
Sida uu shaaciyay la-taliye hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka, arrintan ayaa kordhisay suuragalnimada in xal wadahadal lagu dhameeyo kacdoonka tobannaan sano ka socday Geeska Afrika.
Hamza Warfa, oo horey la-taliye uga ahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegay in maamulka Trump uu bilaabi karo inuu si toos ah ula xiriiro kooxda Alshabaab.