Somaliland oo khalad ku tilmaantay xayiraadda hubka ee laga qaaday Soomaaliya kadib markab hub sida oo ay Puntland qabatay

3

Somaliland ayaa sheegtay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, kadib markii shalay xeebaha Puntland lagu qabtay markab sida hub aad u badan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in go’aanka lagaga qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya uu sababay kaliya qalalaase.

“Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadda hubka waddanka fashilmay ee Soomaaliya wuxuu horseeday cawaaqib baaxad leh oo sababay xasillooni darro. Halkii uu gacan ka geysan lahaa nabadda iyo xasilloonida, wuxuu xoojiyay kooxaha xagjirka ah wuxuuna sii huriyay amni darrada ka jirta gobolka,” ayuu yidhi wasiirku.

Wuxuu sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu eego go’aanka qaadista cunaqabataynta hubka. “Beesha caalamku waa inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan tallaabadan, iyagoo tixgelinaya khataraha sii kordhaya ee ku wajahan Geeska Afrika,” ayuu yidhi.

Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii maamulka Puntland Jimcihii gacanta ku dhigay markab loo malaynayo in laga leeyahay Turkiga oo siday shixnad aad u badan oo hub ah iyo dabaabado dagaal. Markabkaas ayaa la geeyay dekedda Boosaaso, mana cadda waxa Puntland ka yeeli doonto.

Xogaha qaar ayaa sheegaya in markabkani u socday magaalada Muqdisho, isla markaana hubka saarnaa uu ahaa deeq loo waday dowladda federaalka. Laakiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay warbaahintu wax ka waydiisay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Puntland dhankeeda waxay sheegtay in laga yaabo in hubka loo waday kooxaha argagixisada ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, waxayna xuseen in uu yahay hub badan oo khatar galin kara ammaanka. Sidaas darteedna, waxay sheegeen inay dowladda federaalka kula xisaabtami doonaan.

Dhowr baabuur oo siday hub fudud ayaa bilihii lasoo dhaafay lagu qabtay meelo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo aan la ogayn cidda ay u rarnaayeen. Baabuurtaasi waxaa dhacday maleeshiyaad beeleed.

Waxaa jira falanqeeyayaasha qaar oo dowladda dhexe ku eedeeya inay ku guuldarreysatay xakameynta fiditaanka hubka. Waxay sheegeen in Soomaaliya aanay weli diyaar u ahayn in laga qaado cunaqabataynta hubka.

Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qabta aragti ka duwan taas, iyada oo sheegtay in oggolaanshaha hubku uu wax ka tarayo la dagaalanka argagixisada.