Xukuumadda Puntland ayaa xaqiijisay in ciidanka ammaanka badda Puntland ay gacanta ku dhigeen markab lagu magacaabo Sea World, kaasi oo siday hub, sahay ciidan iyo gaadiid dagaal, kuna wajahnaa magaalada Muqdisho.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in markabkan uu kaga soo gabbaday dabaylaha badda xeebta degmada Bareeda ee gobolka Bari.
“Markab hubsida oo Dabaylaha badda ka dhacaya kaga soo gabaday xeebta Bareeda ee Puntland ayaa ciidanka amaanka Puntland qabteen, amnigiisa ayaa la sugayaa, waana la baadhayaa. Wixii ka soo kordha, waanu la wadaagi doonaa saxaafadda,” ayuu yiri Wasiir Dirir.
Lama shaacin ilaa hadda cidda iska leh markabka, halka laga soo raray iyo halka rasmiga ah ee uu kusii jeeday, hase yeeshee xogaha hordhaca ah ayaa tilmaamaya in markabku siday sahay militari oo aan la fasixin.