Raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu “aad uga xun yahay in hoobiyo ah” lagu garaacay Kaniisadda Kaatooligga ee ah tan keliy aku taala Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen saddex qof oo halkaas gabaad ka dhiganayay.
“Naf kasta oogo’aday iyadoo aan waxba galabsan waa musiibo, waxaan murugada la qeybsaneynaa qoysaska idadkaas,” ayuu ku yiri hadal uu soo saaray.
Dhacdadan ayaa dhacday Khamiistii markii Israa’iil ay weerar ku qaadday Kaniisadda Holy eek u taala magaalada Gaza. Dhowr qof oo kale ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen halkaas.
Pope Leo XIV ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay khasaaraha nafeed iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaas, isaga oo dib u cusboonaysiiyay baaqiisii xabad joojinta Qaza.
Netanyahu wayaa sheegay in Israa’iil “ay baarayso dhacdada, ayna weli ka go’an tahay ilaalinta dadka rayidka iyo goobaha cibaadada