Xiisad siyaasadeed iyo mid ciidan ayaa markale cirka isku shareeray gobolka Gedo, kadib markii diyaarad siday ciidamo katirsan dowladda federaalka Soomaaliya laga soo celiyay degmada Doolow, oo ay gacanta ku hayso dowlad-goboleedka Jubaland.
Diyaaradda, oo la sheegay inay waday ciidamo federaal ah oo loogu talagalay howlgal ama sugidda amniga, ayaa loo diiday inay degto garoonka diyaaradaha ee Doolow. Go’aankan ayaa si cad u muujinaya xiisadda kasii daraysa ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland, kuwaasoo muddooyinkii dambe ku kala fogaaday arrimaha maamulka gobolka Gedo.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa gobolka ku sugnaa Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, kaasoo booqday Beledxaawo iyo deegaano kale. Booqashadiisa ayaa loo arkaa mid la xiriirta kormeerka dhaq-dhaqaaqyada ciidamada Jubaland oo haatan la sheegay inay wadaan diyaar-garow ciidan, si ay uga hortagaan isku day kasta oo dowladda federaalka ay ku dooneyso inay doorasho ama maamul ku sameyso gobolka Gedo.
Dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in wasiirkii hore ee Amniga Jubaland C/rashiid Janan oo dhawaan la kulmay RW Xamse loo magacaabayo Taliyaha xasilinta Gobolka Gedo.
Khilaafka u dhaxeeya Jubaland iyo dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer soo jiitamayay, waxaana Gedo si gaar ah ugu xiran xiisaddan, maadaama gobolka uu muhiim u yahay labadan dhinac oo mid walba doonayo inuu saameyn buuxda ku yeesho maamulka iyo amniga halkaas.
Waxaa weli laga war sugayaa tallaabada xigta ee labada dhinac qaadi doonaan, iyadoo ay muuqato in khilaafkaan uu sababi karo qalalaase amni iyo mid siyaasadeed oo halis gelin kara xasiloonida gobolka Gedo iyo guud ahaan Jubbooyinka.