Guddiga Doorashooyinka oo digniin kasoo saaray inaan xoog shacabka loogu qasbi karin inay kaarka codbixinta qaataan

5

Maalmihii ugu dambeeyay, baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal iyo qoraallo muujinaya dad si khasab ah loogu kaxeeyay xarumaha laga qaato kaarka codbixinta.

Qaar ka mid ah dadka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in laga qaaday kaararka iyaga oo aan raalli ka ahayn, taasoo keentay su’aalo badan oo la iska weydiinayo hufnaanta hanaanka codbixinta.

Arrintan ayaa si degdeg ah waxaa uga falceliyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kuwaas oo sheegay in aysan marnaba aqbaleyn in qof lagu cabburiyo codkiisa ama xorriyaddiisa doorasho.

Afhayeenka guddiga, Md. Abdifatah Faisal Hussein, ayaa si kulul uga hadlay eedeymaha isa soo taraya waxaana uu shacabka u sheegay inaysan aqbali karin xadgudubkaasi.

“Cid kasta oo qasabta shacabka Soomaaliyeed waxa laga qaadi doonaa tallaabooyin waafaqsan sharciga,” ayuu yiri afhayeenka isagoo la hadlay warbaahinta gudaha.

Guddigu waxa uu hoosta ka xariiqay in codbixintu ay tahay xuquuq dastuuri ah, balse aanay ahayn waajib khasab ah oo lagu daro qof kasta si awood loo muujiyo.

Dadweynaha qaar ayaa sheegay in la siiyay digniin ah in haddii aysan qaadan kaarka, ay waayi karaan adeegyo dowladeed, Balse guddigu wuu beeniyay arrintaas, isagoo sheegay in kaarka codbixinta aan loo adeegsan karin qalab cadaadis ah.

Guddiga Doorashooyinka waxa uu ugu baaqay dhammaan hay’adaha amniga, ururada bulshada rayidka ah, iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la socdaan wax kasta oo ka hor imanaya doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale, waxay ku dhiirrigelinayaan shacabka in ay soo gudbiyaan cabasho kasta oo ay qabaan, iyadoo la adeegsanayo khadadka tooska ah iyo email-ka rasmiga ah ee guddiga.