Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan muhiim ah la yeeshay Erdoğan

3

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Turkiga, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, intii uu ku jiray booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalkaasi.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Ankara ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada madaxweyne ay isla meel dhigeen in la dardargeliyo iskaashiga dhaqaale, amni iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah labada dal.

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo la xoojinayo

Madaxweynayaasha ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood. Madaxweyne Erdoğan ayaa muujiyay sida Turkigu uga go’an tahay in uu sii kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo maalgashiga.

Shidaalka Soomaaliya oo ah qodobka ugu weyn

Qodobka ugu weyn ee kulanka laga hadlay ayaa ahaa heshiiska shidaalka ee labada dal ay horey u kala saxiixdeen, kaas oo ujeedkiisu yahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u noqon lahayd dal shidaal soo saara. Dowladda Turkiga ayaa ballan qaaday in ay dardargelin doonto hirgelinta heshiiskan, iyadoo la xusay in baaritaanno horey loo dhammeystiray.

Shidaalka Soomaaliya ayaa ah mowduuc si weyn loogu dhago taagayo gudaha iyo dibaddaba, iyadoo lagu xanto inuu yahay arrin ay daneynayaan quwadaha waaweyn ee caalamka. Dowladda Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado badan oo la xiriira arrintaasi, kuwaas oo ay kamid yihiin faragelino dibadeed iyo cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah.

Amniga iyo taageerada Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amni ee dalka, iyagoo diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa taageerada Turkiga ee ku aaddan dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa door muuqda ka qaatay tababarka ciidamada Soomaaliyeed, isagoo soo saaray dufcado ciidan ah oo si gaar ah loogu tababaray la-dagaallanka argagixisada, waxaana uu sidoo kale gacan ka geystay howlgalada lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Cadaadiska siyaasadeed iyo kan amni ee ay wajahayo dowladda Soomaaliya

Kulankan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay wajahayso cadaadis xooggan oo gudaha iyo dibadda isugu jira. Siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa ku cadaadinaya Villa Somalia arrimo la xiriira maamul wanaagga iyo wada-tashiga.

Dhinaca amniga, Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada, iyagoo dhowaan la wareegay deegaano istaraatiiji ah oo ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Waxaa sidoo kale jiray warar sheegaya in dowladda Mareykanka ay ka carootay heshiiska shidaalka ee Soomaaliya la gashay Turkiga, iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay kooxda Al-Shabaab.

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Erdoğan ayaa muujinaya sida ay labada dal uga go’an tahay in ay sii xoojiyaan xiriirkooda. Dowladda Soomaaliya ayaa rajeyneysa in Turkigu uu si degdeg ah u dhaqan geliyo heshiisyadii la gaaray, si wax looga qabto duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka jira.