Galmudug oo SoDMA ugu baaqday in gargaar ay lasoo gaarto dad ku dhibaateysan deganadaasi

3

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’addu ku leedahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid.

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaanno kamid ah Galmudug, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Itoobiya.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu caddeeyay in dad badan ay la tacaalayaan dhibaatooyin nololeed sida biyo la’aan, nafaqo-xumo iyo hoy la’aan, isagoo ugu baaqay hay’adda SoDMA in si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar.

Intii lagu guda jiray kulanka, Cali Daahir Ciid wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta dhaqaalaha deegaanka, Wuxuu xusay fursadaha xoolaha ee ka jira Galmudug, isagoo soo jeediyay in la hirgeliyo warshad casri ah oo lagu qalo, laguna kaydiyo hilibka xoolaha.

Tani, ayuu sheegay, inay wax weyn ka tari karto kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka.

Dhankiisa, Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ballan qaaday in SoDMA ay si degdeg ah uga jawaabi doonto baahiyaha degdegga ah ee bulshada, isagoo intaa ku daray in hay’addu ay diyaar u tahay la shaqeynta maamulka Galmudug si loo hirgeliyo warshadda xoolaha, Wuxuu xusay in mashruucyadaas la filayo in lagu taageero iskaashi caalami ah iyo saaxiibada Soomaaliya.