Ciidanka difaaca Puntland ayaa xalay lagu taageeray sahay milatari iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo diyaarado Maraykan ah hawada kaga tuureen buuraleyda bartamaha Puntland, halkaas oo ay ciidamadu howlgallo ka wadaan.
Sahaydan ayaa laga raray garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana loo qeybiyay cutubyo ciidan oo ku sugan meelo ka tirsan buuraleyda Galgala iyo agagaarka Calmadow, halkaas oo ay howlgallo joogto ah ka wadaan si ay uga sifeynayaan kooxda Al-Shabaab.
Sahayda la geeyay ayaa la sheegay inay ka koobneyd, Cunto qalalan iyo biyaha nadiifta ah, Agabka caafimaadka degdegga ah, Rasaasta iyo qalabka isgaarsiinta iyo Bacaha hoyga, nalal, iyo qalab dheeri ah oo ay ciidamada u baahan yihiin.
Ciidamada Puntland ayaa weli howlgal culus ka wada Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari