Maamulka Israa’iil ayaa koox wakiillo ah u dirtay dalka Qatar si ay uga qeyb qaataan wadahadallo ku saabsan xabbad-joojin la xiriirta dagaalka Gaza. Talaabadan ayaa imanaysa xilli ciidamada Israa’iil ay sii wadaan weerarrada xooggan ee ka dhanka ah Marinka Gaza, halkaas oo la xaqiijiyey in 78 qof ay ku dhinteen duqeymo cusub.
Weerarrada ugu dambeeyay ayaa lagu qaaday meelo kala duwan oo ku yaalla Gaza, waxaana dadka dhintay ay ka mid yihiin haween iyo carruur, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee deegaanka.
Inkasta oo wadahadallada Qatar ay rajo gelinayaan xal nabadeed, haddana rabshaduhu weli waa kuwo sii xoogeysanaya, iyadoo xaaladda bini’aadantinimo ee Gaza ay sii xumaanayso.