Xildhibaan Ka Digay Faragelinta Dowladda ee Hanaanka Dhismaha Maamulka SCC Khatumo

3

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaallo xoogan ku bixineyso dhismaha hanaanka dowlad-goboleedka SCC Khatumo, ayaa Abdirisaaq Xasan Dhokir oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, una hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Shabelle, waxa uu si cad uga digay in dowladda federaalka ay faragelin ku samayso hanaanka dowlad-dhiska maamulka SCC Khatumo.

Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka daato faragelinta iyo in ay u ogolaato dadka reer SCC Khatumo in ay iyagu iska dhistaan maamul ay ku qanacsan yihiin, kaasoo matala danaha bulshada ku dhaqan deegaankaasi.

“Dowladda waa in ay ixtiraamtaa rabitaanka dadka reer SCC Khatumo, oo ay u ogolaataa in ay iyagu maamulkeeda dhistaan, si loo helo maamul loo wada dhan yahay oo dhab ahaantii bulshada ka turjuma,” ayuu yiri xildhibaanka.