Xiisad mar kale oo ka dhex-qaraxday Israa’iil iyo Xuutiyiinta

5

Israa’iil ayaa ku hanjabtay inay jawaab siin doonto kooxda Alansaar ee Xuutiyiinta Yemen, kadib gantaal ay soo rideen oo Israa’iil ay sheegtay inay qabteen.

Sabtidii, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay inay gantaal balaastik ah ay ku rideen Israa’iil uu jawaab u ahaa weerarada Israa’iil ay ku hayso Falastiiniyiinta marinka Qaza.

Gantaalka Sabtida ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee kooxdan ay soo rideen tan iyo xabbad joojintii u dhaxeysay Israa’iil iyo Iiraan ee 24-kii June 24, ka dib 12 maalmood oo dagaalo dhex marayeen labada dhinac.

Wasiirka difaaca Israa’iil Katz ayaa ku sheegay qoraal uu soo saaray in Yemen ay marayso halka ay Tehran martay.

”Markii aan duqaynay madaxa maska ee Tehran, waxaan beegsanaynaa Xuutiyiinta Yemen sidoo kale. cid kasta oo gacan ku soo taagta Israa’iil, gacantiisa ayaa la jarayaa.”

Israa’iil ayaa ugu hanjabtay kooxda Ansar Allah haddii ay sii wadaan weerarada iyaga ka dhanka ah inay hawadeeda xirayaan sidoo kalana u soo diirayaan ciidamada badda.

Waxaa laga maqlay dhowr meelood oo kala duwan, gaar ahaana Qudus, dhawaaqyada siiriga digniinta bixiya.

“Markii uu siirigu ka dhawaaqay muddo dhowr meelood oo Israa’iil ah,” Ciidamadu waxa ay ku sheegeen qoraal “Gantaal laga soo riday Yemen ayaa la qabtay.” Ciidamada ayaa sheegay duqaynta ay geysteen ciidamada cirka.

Dhanka kale, afhayeenka milatariga Xuutiga Yaxya Saree ayaa ku sheegay qoraal ay soo saareen Talaadadii in “Afar howlgal oo milatari” oo ka dhan ah Israa’iil ay sameeyeen.

Waxa uu sheegay inay ku beegsadeen garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv ” 2 gantaal oo (hypersonic balistik ah,”, halka saddex diyaaradood oo aan duuliye lahayn ay beegsadeen aagaga Jaffa, Ashkelon iyo Umm al-Rashrash,” oo ay ula jeedaan magaala xeebeedka Eilat ee gacanka Aqaba.

Safiirka Maraykanka ee Israa’iil Mike Huckabee ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta X,

“Waxaan u mleynayay inay dhamaadeen duqaymaha lagu soo ridayo Israa’iil, laakiin xuutiyiinta ayaa ku soo riday gantaal. Nasiib wanaag, nidaamka difaaca Israa’iil ee cajiibka ayaa inoo ogolaaday inaan gabaad galno oo aynu sugno inta khatartu dhamaanayso ‘Laga yaabee duqeeyayaasha diyaaradaha B-2 ay tahay inay booqdaan Yemen’

Duuliyayaasha Maraykanka ayaa adeegsaday diyaarada B-2 markii ay duqeeyeen xarumaha nukliyeerka Iiraan, intii lagu guda jiray dagaalkii cirka ee 12-ka maalin.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarooda ay ahaaayeen mid ay ku garab istaagayaan Falastiiniyiinta marinka Qaza.

Tan iyo intii uu bilowday dagaalka Qaza October 2023, Xuutiyiinta ayaa beegsaday Israa’iil iyo sidoo kale maraakiibta badda cas, iyaga oo Khalkhal galiyay isku socodka ganacsiga caalamiga ah.

Qaar badan oo ka mid ah duqaymaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay soo rideen ayaa la qabtay.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa joojiyay weeraradooda intii lagu guda jiray labadii bilood ee xabbad joojinta u dhaxaysay Israa’iil iyo Xamaas, ayna dib u soo celiyeen howlgalka weeraradooda.

Israa’iil ayaa duqaymo dhowr ah ku qaaday Yemen, iyaga oo beegsanaya dekeddaha ay maamulaan Xuutiyiinta iyo garoonka diyaaradaha Sanca ee isla kooxdaasi ay maamusho.

Mareykanka ayaa dhankiisa horey weeraro ugu qaaday Xuutiyiinta Yemen, balse markii dambe waxay gaareen heshiis xabbad-joojin ah.

Yemen oo ku taalla goob muhiim ah si gaar ah marinadda badda Casa ayaa Xuutiyiinta ka saaciday in ay weeraro ka fuliyaan halkaasi.