Shabeellaha Hoose oo Wajahaya Duqeymo iyo Dagaallo Joogto ah, Beeraleyda oo Saameyn Ku Yeelatay

5

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa noqday meel ay si joogto ah uga dhacayaan duqeymo iyo dagaallo, kuwaasoo si gaar ah u saameeyay dadka beeraleyda ah ee ku nool deegaanka.

Duqeymaha ayaa ka dhacay deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin Bariire, Awdheegle, Moordine, Baladul-Amiin, Raqayle, Sabiid iyo Caanoole, kuwaasoo dhammaantood hoos yimaada gobolka.

Wararka laga helayo goobahaasi ayaa sheegaya in duqeymuhu ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo dad beeraley ah — oo qaarkood isku qoys ahaa — ay ku dhinteen weerarrada.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa, oo kasoo jeeda gobolka, ayaa sheegay in dadka kusoo laabtay deegaanadooda Sabiid iyo Caanoole ay si toos ah u saameeyeen weerarrada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamo dowladeed ay kasoo xireen dad rayid ah gudaha gobolka, isaga oo ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo dadkaasi.