Mareykanka oo joojiyay qandaraas $850,000 ah oo Soomaaliya laga fulin lahaa

4
 Dowladda Mareykanka ayaa afar maalmood gudahood joojisay 256 qandaraas oo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo aan wax-soo-saar muuqda lahayn, kuwaas oo qiimahooda guud lagu qiyaasay $14.3 bilyan.

Go’aankan ayaa keenay in dowladda ay badbaadiso $11.5 bilyan oo kharash ah oo la bixin lahaa.

Qandaraasyadan la baajiyay waxaa ka mid ahaa mid si gaar ah u khuseeya Soomaaliya, kaasoo ahaa heshiis ay bixisay hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID).

Qandaraaskan oo lagu qiimeeyay $850,000 ayaa loogu talagalay in lagu shaqaaleysiiyo la-taliye ku takhasusay “adkeysiga” (resilience advisor) oo ka howlgali lahaa gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa u aragtay in qandaraaskan aanu lahayn wax-soo-saar muuqda ama mid muhiimad u leh danaha guud ee dalkeeda.

Sidoo kale, waxaa la joojiyay qandaraas kale oo uu bixiyay maamulka adeegyada guud ee Mareykanka (GSA), kaas oo lagu qiimeeyay $198,000, islamarkaana la xiriiray la-talin ku saabsan hagaajinta habraacyada shaqada iyo ganacsiga.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo ay dowladda Mareykanka ku baarayso qandaraasyada ay bixiso si looga hortago kharash-bax aan qiil laheyn, loogana dhigo nidaamka maaliyadeed mid hufan oo wax ku ool ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howshani ay sii socon doonto si loo xaqiijiyo in lacagta canshuur bixiyayaasha Maraykanka loo adeegsado meelaha ugu waxtarka badan.

Joojinta qandaraaskan Soomaaliya khuseeya ayaa imaaneysa iyadoo Mareykanka horeyba u hakiyay ama u dhimey mashaariic gargaar oo muhiim u ahaa Soomaaliya, kuwaas oo ay ku bixi jirtay balaayiin dollar sanad walba.

Tan iyo sanadihii u dambeeyay, waxaa sii yaraanayay maalgelinta Mareykanka ee dhinacyada horumarinta, nabadeynta, iyo dib u dhiska hay’adaha Soomaaliya, arrintaas oo saameyn ku yeelatay qorshayaal badan oo lagu xasilin lahaa dalka.