Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, munaasabad ku aaddan xuska 65 guurada maalinta xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, oo ku beegan 1-da Luulyo.
Madaxweynaha ayaa ubax dhigista ku muujiyay xusuusta halgamayaashii naftooda u huray xornimada dalka iyo mideyntii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii. Wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qaran, isaga oo xusay muhiimadda midnimada, waddaniyadda iyo ilaalinta madax-bannaanida dalka.
Intaa ka dib, Madaxweynaha ayaa ka qeyb galay dhoolatus milatari oo lagu muujinayey awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Dhoolatuska ayaa waxaa lagu soo bandhigay gaadiid dagaal, diyaarado dagaal iyo hub casri ah, taasoo muujisay horumarka la taaban karo ee lagu sameeyay dhismaha iyo tayeynta ciidamada dalka.
Munaasabaddan qaran ayaa ahayd mid si weyn looga dareemay guud ahaan caasimadda iyo gobollada dalka, iyadoo xambaarsan xusuus qaran, halgan iyo rajo Soomaaliyeed.
Xuskan taariikhiga ah ayaa ah mid milgo iyo xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna muujinayaa halgankii geesinimada lahaa ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen xornimada iyo midnimada dalka.