Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal Sugaha oo Hambalyo usoo Diray Soomaaliya Maalinta Xorriyadda

4

Boqorka Sacuudiga, Salman bin Cabdilaziz Al Saud, iyo Amiirka Dhaxal Sugaha, Maxamed bin Salman, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Sacuudiga, ayaa hambalyo diiran u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, munaasabadda Maalinta Xorriyadda Soomaaliya.

Warqadaha hambalyada ah ee ka soo baxay hoggaanka Sacuudiga ayaa waxaa lagu muujiyey rajada ugu wanaagsan ee ku aaddan horumarka iyo barwaaqada joogtada ah ee Soomaaliya iyo dadkeeda. Sidoo kale, waxaa lagu adkeeyey xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga xooggan ee labada dal.