Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee DF iyo maamul goboleedyada oo dib loo dhigay

5

Shirka golaha wadatashiga qaran oo hore madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u mudeeyey inuu qabsoomo 22-ka bishan ayaa dib loo dhigay sabab la xiriirta xuska maalmaha xoriyadda.

” Iyada oo laga duulayo waynaynta iyo u diyaar garawga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda ay leedahay, waxaa dib loo dhigay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo horay uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, u muddeeyay 22-ka bishaan Juun 2025-ka, waxaana uu shirku qabsoomi doonaa 15-ka Luuliyo 2025-ka, insha allaah.”

Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa looga hadlayaa dhamasytirka dastuurka,qabsoomida doorashooyinka heer qaran iyo heer deegaan.

Shirkan ayaan la ogeyn in ay ka qeyb geli doonaan Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.