Ciidamada Qaranka iyo Uganda oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole.

9

Ciidamada huwanta ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellada Hoose oo halkaasi ay ka talinayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

La wareegista deegaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii 15 maalmood uu dagaal iyo duqeymaha ay ka socdeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellada Hoos

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibrahim Aadan Ali Najah oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga oo ay kaashanayaan ciidamada AUSSOM ay gacanta ku dhigeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay mudooyinkii dambe ay dadka ku dhibaateyn jireen deegaankaasi.

Waxaa uu shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab, isagoona shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Qaranka.

Deegaanka Sabiid iyo Caanoole ayaa hadda maamulaya ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika ee Uganda, iyadoona halkan Miino Baaris ah ka wada deegaank