Shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku baaqay oo galabta ka furmaya Muqdisho.

6

Waxaa galabta la filayaa in si rasmi ah uu uga furmo magaalada Muqdisho shirkii uu dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,  Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa ku soo aadaya, xilli dalka ay ka taagan yihiin xaalado siyaasadeed oo adag iyo khilaafyo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gobollada dalka iyo dibadda. Wararka ayaa sheegaya in qaban-qaabadii ugu dambeysay ay qabsoomida shirka ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Qodobbada miiska saaran waxaa ka mid ah ee looga hadli doono shirka ayaa waxaa ka mid ah, Amniga dalka iyo sugnaanshihiisa, Dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah, Hufnaanta iyo hannaanka doorashooyinka la filayo

Warbaahinta gudaha iyo dibadda ayaa lagu wargeliyay in gelinka dambe ee maanta uu si rasmi ah u furmi doono shirka, iyadoo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya uu khudbad muhiim ah ka jeediyo furitaanka.

Shirkan ayaa wajahaya eedeyn xooggan oo uga imaanaysa siyaasiyiinta mucaaradka ah, gaar ahaan kuwa ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo sheegay in shirka uu yahay mid aan loo dhameyn, loogana gol leeyahay dano gaar ah oo siyaasadeed.

Shirkan ayaa la filayaa in warmurtiyeedka laga soo saaro, iyadoona si weyn isha looga hayo cida maanta ka qeyb galaysa iyo qodobada looga doodi doono.