Madasha Samatabixinta oo walaac ka muujiyay go’aanka Dowladda Federaalka ee Joojinta qaab dhismeedka Iskaashiga Caalamiga ah

6

Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed ayaa si weyn uga walaacsan go’aan ay sheegeen inuu yahay hal dhinac oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah.

Tallaabadan degdegga ah ayaa lagu sheegay inay dhaawac weyn u geysatay iskaashiga wax ku oolka ah ee dhinacyada gudaha iyo dibadda, taasoo ka tarjumeysa go’doon siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo fashilka dowladda ee ku aaddan wada shaqeynta qaran iyo midda caalami.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib ugu soo laabtay xukunka, mucaaradka ayaa sheegay isku xirnaanta siyaasadeed ee dalka in ay si tartiib tartiib ah u daciiftay. Go’aankii lagu kala diray Madasha Wadatashiga Qaran ayay sheegeen inay tahay tusaale cad.

Madasha Samatabixinta ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeysay inuu qaaday tallaabooyin siyaasad khatar ku ah hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin xadgudubka xuquuqda axsaabta siyaasadeed, adeegsiga awood ciidan si aan sharciga waafaqsanayn, kordhinta saamaynta sharci-dejinta ee Baarlamaanka, caburinta warbaahinta madax-bannaan, iyo kala fogaanshaha xulafada beesha caalamka.

“Madasha Samatabixinta Sooomaaliyeed waxay si qoto dheer u fahamsan tahay caqabadaha waaweyn ee horyaalla Soomaaliya, sida khatarta kooxda Al-Shabaab, qalalaasaha siyaasadeed, iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee isdaba joogga ah. Waxay aaminsan tahay in xal waara oo arrimahan looga gudbo uu ku xiranyahay iskaashi ballaaran, wada-tashi qaran oo dhab ah, iyo taageero caalami ah oo mideysan.” Ayaa lagu yiri warkan.

Madasha ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka inay dib u eegto jihada ay ku socoto, islamarkaana ay qaadato hannaan siyaasadeed oo ku dhisan isla xisaabtan, kalsooni, iyo wadatashi dhab ah oo qaran.