Agaasimihii Dalxiiska Degmada Deyniile Cabdalla Sheekh Ibrahim ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar uu kala kulmay Koox burcad ah, xili uu marayay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Cali Booy ee Degmda Deyniile iyagoo ka qaatay Mobile kii iyo bastoolad uu watay kadibna ay goobta iskaga baxsadeen.
Maleeshiyaadka hubeysan ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana Degmada ka bilaawday howlgal kooxda Burcada ah lagu baadi goobayo.
Agaasimihii geeriyooday ayaa la sheegay in rasaasta ay ugu dhacday Xabadka iyo madaxa, taasi oo keentay inuu geeriyooday.