Dagaalka ayaa qarxay kaddib markii ciidanka Macawiisleyda ay weerar ku qaadeen kooxo katirsan Al-shabaab oo la sheegay inay isku uruursanayeen duleedka deegaanka Ceel Hareeri, Sida ay wararku sheegayaan.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada rasmiga ah ee khasaaraha, maadaama uu dagaalku wali socdo.
Dagaalka xoogeysa waxaa uu ka socdaa inta u dhexeysa deegaanada Tawakal iyo Ceel-hareeri ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maanta si weyn looga ciidayo guud ahaan dalka, gaar ahaan munaasabadda Ciidul Adxaa, hase yeeshee dadka deegaanka Ceel Hareeri ayaa ciiddooda ku waabariistay rasaas iyo dagaal ay ku doonayaan in ay isaga xoreeyaan Al-shabaab.