Maxkamadda ciidamada oo xukun ka soo saartay dilkii iyo kufsigii Ismahaan Bakaal

19

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybteeda 27-aad ayaa maanta go’aan ka soo saartay eedeymaha seddax nin oo loo heysto dil iyo kufsi magaalada Beled-Xaawo loogu geystay gabar lagu magacaabi jiray Ismahaan Bakaal Maxamed.

Seddaxda nin ee loo heysto falkaas ayaa ka wada tirsanaa ciidanka xoogga dalka, ayaa laba ka mid ah lagu kala xukumay dil toogasho ah iyo xabsi ciidan, halka ninka kale ay maxkamaddu amartay in xabsiga laga sii daayo, maadaama wax dembi ah lagu waayey.

Seddaxda nin ayaa lagu kala magacaabaa Nuur Aadan Rashiid, Maxamed Maxamuud Buulle iyo Salaad Xareed Cali, kuwaas oo xafiiska xeer ilaalintu uu ku eedeeyay kufsi iyo dil loo geytay Marxuum Ismahaan Bakaal Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle  Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedeysanaha koowaad oo magacaabo Xidigle Nuur Aadan Rashiid lagu helay Afduub, kufsi iyo dilka Marxuum Ismahaan Bakaal Maxamed, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Sidoo kale Maxamed Maxamuud Buulle ayaa lagu eedeeyey inuu lahaa qoriga lagu geystay falkaas, waxayna maxkamaddu ku xukuntay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa amray in xabsiga laga sii daayo Salaad Xareed Cali, kaddib markii wax dambi ah lagu waayay.