Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xidigahan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya, isagoo xusay dadaalka Dowladdu ay ku bixinayso horumarinta ciyaaraha.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka ay ku qabto Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.
Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi