Khabiir sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in beesha caalamku yareyso ama gabi ahaanba joojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, xilli uu dalku wajahayo xaalad amni oo cakiran oo ay ugu horreeyaan kooxaha argagixisada sida Al-Shabaab.
Wuxuu si gaar ah uga digay in waddamada taageera Soomaaliya ay ka fiirsadaan bixitaan degdeg ah ama yareyn taageeradooda, taas oo uu sheegay inay khatar gelin karto guulihii laga gaaray dagaalka lagula jiro argagixisada.
Sidoo kale, khabiirku wuxuu xusay in kooxda Al-Shabaab ay weli awood u leedahay inay fuliyaan weerarro halis ah oo lagu bartilmaameedsado shacabka, hay’adaha dowladda, iyo shaqaalaha gargaarka bani’aadannimo. Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda Daacish ay saldhigyo ka samaysatay Punland, taasoo uu sheegay inay sii adkeynayso xaaladda amniga.
Digniintan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalal badan ay dib u eegayaan joogitaankooda Soomaaliya, qaarkoodna durba bilaabeen inay yareeyaan dhaqaalihii iyo taageeradii ciidan ee ay Soomaaliya siin jireen.