Madaxweyne Xasan Sheikh oo loo doortay guddoomiyaha iyo musharaxa urur siyaasadeedka caddaalada iyo Wadajirka

4

Muqdisho ayaa caawa lagu qabtay shirweynihii ugu horreeyay ee urur siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP, kaasoo ay ku mideysan yihiin dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.

Ururkan ayaa guddoomiye iyo musharrax  loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenno loo doortay raysal wasaaraha, madaxweynaha Koonfur Galbeed, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Golaha Shacabka, iyo raysal wasaare ku xigeenka koowaad, halka Xoghaye guud loo doortay Cabdiraxmaan Odowaa.

Kumanaaan qof oo ka mid ah shacabka Muqdisho, iyo sidoo kale masuuliyiin ay kamid yihiin madaxweynayaasha Galmudug, SSC Khaatumo, Hirshabelle iyo siyaasiyiin kale ayaa ka qeyb galay shirweynaha ururkan  oo ah urur muxaafid ah.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in lasoo gaaray xilli shacabka laga doonayo inay ka gudbaan qabyaaladda, una talaabsadaan dhanka dowladnimada casriga ah ee dimuqraadiga ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in xisbigan uu u taagan yahay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah. Wuxuuna sidoo kale xusay in xisbigooda uu door weyn ka qaadan doono dhameystirka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, isaga oo adkeeyay inay ka go’an tahay inay shacabka u dhoweeyaan xukunka.

Si kastaba ha ahaatee, ururkan dadka dhaliilsan waxay ku tilmaameen isbahaysi siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin Dowladda Federalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa xubno ka noqday ururkan, marka laga reebo Puntland iyo Jubbaland oo maqan. khilaafna uu kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.