Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba qof oo xoolo-dhaqato ahaa maanta lagu dilay deegaan hoos yimaada degmada Matabaan, kadib markii ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo la rumeysan yahay in ay deegaanka ka soo jeedaan.
Labada marxuum, oo la sheegay in ay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada Baladweyne, ayaa la dilay iyaga oo ku sugnaa meel miyiga ah, waxaana falkaas kaddib maleeshiyadii geystay dilka lagu soo waramayaa in ay goobta ka baxsadeen.
Ilaa iyo hadda lama war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Matabaan ama talisyada ammaanka gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in ay cabsi badan jirto, islamarkaana xaaladda ay tahay mid kacsan.
Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dilka uu salka ku hayo aano qabiil iyo muran hore oo ka taagan deegaanada hoostaga degmada Matabaan.