Puntland: Caalamku hal Dollar kuma bixin dagaalka aan kula jirno argigixisada Daacish

4

Puntland ayaa sheegtay in beesha caalamku aysan wax taageero maaliyadeed ah ku bixin dagaalka ay lixdii bilood ee la soo dhaafay kula jiraan ururka argigixisada ah ee Daacish, dagaalkaas oo haatan ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa sheegay in taageerada kaliya ee ay ka heleen caalamku ay tahay dhinaca hawada, isaga oo ula jeeda duqeymaha cirka ah ee lagu bartilmaameedsado ururka Daacish.

Lugatoor wuxuu xusay in Puntland qeyb ka mid ah miisaaniyaddeeda ay ku bixisay dagaalka ka dhanka ah Daacish, taasoo uu tilmaamay inay muujinayso sida ay Puntland isugu miisaamtay dagaalka ka dhanka ah argigixisada iyo bixinta adeegyada dowliga ah, sida mushahaarka iyo adeegga.

“Caalamku dal Dollar kuma bixin dagaalka aan kula jirno Daacish. Waxaan aaminsannahay in dagaalka Daacish uu yahay kii ugu adkaa ee Soomaaliya ka dhaca marka la eego la dagaallanka kooxaha argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in Puntland isaga filantahay dagaalka Daacish.

Puntland ayaa taageerada ugu badan dagaalka Daacish ka hesha qurbe joogteeda, kuwaas oo malaayiin dollar ku bixiyay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen ciribtirka Daacish. Sidoo kale qabaa’ilada ayaa xoolo iyo raashin ku taageeray maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa dhawaan sheegtay inay bilaabayso howlgal cusub oo lagu magacaabo Onkod oo ka dhan ah ururka Alshabaab ee ku sugan buuraha Calmadow.