Waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, kuwaas oo kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabelle, si ay uga qayb galaan Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo la filayo inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho maalinta berri oo Axad ah.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid muhiim u ah arrimaha horyaalla dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, gaar ahaan dhameystirka arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo amniga guud ee dalka. Sidoo kale, waxaa shirka lagu lafa-guri doonaa khilaafaadka siyaasadeed iyo hanaanka wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Madax Ka Maqan Shirka
Waxaa si weyn loo hadal hayaa maqnaanshaha laba kamid ah madaxda dowlad-goboleedyada, kuwaas oo kala ah:
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe): Lama casuumin shirkan, arrintaas oo la rumeysan yahay inay ka dhalatay khilaafyo siyaasadeed oo horey u jiray oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.
Puntland ayaa si cad u diiday inay ka qeybgasho shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo ku eedeysay dowladda federaalka ah inaysan ixtiraameyn habraacyada federaalka iyo iney faragelin ku hayso arrimaha dowlad-goboleedyada.
Mowqifka Puntland ayaa sidoo kale salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay, iyadoo maamulka Saciid Deni uu dhaliilay hanaanka hoggaamineed ee dowladda federaalka gaar ahaan dhinacyada wadaagista awoodda iyo maamulka kheyraadka.
Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa shalay soo gaaray Muqdisho, waxaana uu habeenkii xalay la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. Kulankaasi ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayey:
Xaalada siyaasadeed ee SSC-Khaatumo
Kaalinta ay maamulkaasi ku yeelan karaan hanaanka siyaasadeed ee dalka
Ammaanka gobolka Sool iyo wadahadallada socda
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee berrito ka furmaya Muqdisho ayaa ah mid aad loo sugayo, iyadoo uu kusoo aadayo xilli dalka uu wajahayo xaalado adag oo dhinaca amniga, siyaasadda, iyo doorashooyinka ah. Go’aamada kasoo baxa shirka ayaa la filayaa inay saameyn toos ah ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya bilaha soo socda.