Fowdo iyo Buuq Ka dhashay Fadhigii Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa

4

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ayaa kusoo dhammaaday buuq, fowdo iyo gacan ka hadal, kadib markii ay xildhibaanada mucaaradka ay si adag uga horyimaadeen guddoonka Golaha, gaar ahaan Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulanka ayaa markii horeba ku furmay xaalad muran iyo buuq wata, iyadoo ay gudaha hoolka laga maqlay firimbi iyo heeso wadani ah oo ay xildhibaanada mucaaradka si ula kac ah ugu dhawaaqayeen.

Mucaaradka ayaa la wareegay mikrofoonada Baarlamaanka, iyagoo ku yeerayay firimbi si loo carqaladeeyo fadhiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa markii uu gudaha usoo galay hoolka, waxaa la kulmay diidmo cad iyo canaan xanaf leh. Waxa uu si kulul ugu jawaabay mid kamid ah xildhibaanada mucaaradka isagoo yiri: “Xildhibaan Caana-nuug Jiisna waa tahaye naga farriiso.”, isagoona mid mid u weeraray xildhibaanada ka soo horjeeda guddoomiye Aadan Madoobe.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay kadib markii xildhibaanada qaar ay diideen in uu Aadan Madoobe shir guddoon ka noqdo fadhiga, taasoo ka dhalatay khilaaf xooggan oo ka taagan mooshin laga wado Guddoomiyaha iyo arrin la xiriirta Xildhibaan Abiib oo muran badan dhaliyay.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi fowdo ah, iyadoo xildhibaanada qaarkood ay si toos ah isugu dhaceen, islamarkaana ay ku dhex dagaalameen gudaha xarunta Golaha.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa shir deg deg ah ku yeelanayaa magaalada Muqdisho, iyagoona soo saari doono go’aano culus oo ka dhan ah Aadan Madoobe iyo wixii maanta ka dhacay Kulanka.