Labo diyaaradood oo laga leeyahay dalka Qatar, kuwaasi oo siday ugu yaraan 400 askari oo ka soo jeeda dalka Turkiga ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Ciidamo kale oo dheeraad ah ayaa sidoo kale la filayaa in ay soo gaaraan dalka toddobaadyada iyo bilaha soo socda si ay qeyb uga noqdaan fulinta heshiisyo ciidan iyo iskaashi dhexmaray Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga.
Wararka ayaa sheegaya in askartan lagu wado in ay ka qayb qaataan xaqiijinta amniga dhismaha saldhig lagu tijaabiyo gantaalada hawada sare loo diro iyo maraakiibta sahmineysa shidaalka dalka Soomaaliya.
Inkastoo uu wajigii hore ku jira qorshaha dhismaha saldhigan, haddana waxaa loo arkaa inuu yahay talaabo weyn oo ku saabsan hamiga Turkiga ee dhinaca teknoolojiyadda iyo hawada ee qaaradda Afrika.
Dhanka kale, shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ayaa dardar geliyay hawlgallaha la xiriira shidaal sahminta badda Soomaaliya, kuwaas oo ay dhinac socdaan heshiisyo amni iyo mid is-afgarad istiraatijiyadeed oo u dhaxeeya labada dalk.
Ciidankan yimid dalka ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta awoodda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyagoo siinaya doona taageero dhanka cirka ah iyo tababaro.
Tani waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay xoojisay dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, iyadoo isku diyaarineysa in ay la wareegto mas’uuliyadda amniga dalka marka ay ciidanka Midowga Afrika isaga baxaan dalka.
Tan iyo sanadkii 2017, Turkigu wuxuu ka howlgalayay saldhigga tababarka ciidamada ee TurkSom ee Muqdisho, kaasoo ah saldhiggiisa ugu weyn ee dibadda.
Saldhiggan ayaa tababar siiyay kumannaan askari Soomaali ah, isagoo door weyn ka ciyaaray dib u dhiska ciidamada Xoogga Dalka.
Xiriirka laba dalka ayaa xoogeystay marka laga eego dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta iyo arrimaha gargaarka bini’aadannimo–iyadoona taasi ay muujineyso saameynta uu Turkiga ku leeyahay qaarada Afrika.