Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday Lataliyihiisi Xiriirka Dowlad-goboleedyada

4
War kooban oo goor dhow lagu daabacay Boga Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka ka qaaday Lataliyaha Madaxweynaha ee Xiriirka Dowlad-goboleedyada, Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Warkaan sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu mar walba ka rajeynayaa masuuliyiinta uu u magacaabo xilalka sare ee Qaranka inay gacan ka geystaan horumarka iyo midnimada dalka, iyagoo waajibaadkooda u gudanaya si hufan, daacadnimo leh, isla markaana u hoggaansamaya mas’uuliyadda ka dhalata xilalka ay hayaan”.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) muddadii uu u soo shaqeeyay Qaranka, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone).

Dhowaan ayuu wareysi uu bixiyay Lataliyaha madaxweynaha dowlada fedaraalka Soomaaliya ee dhanka xiriirka dowlad goboleedyada Maxamed Xasan Ibraahin Qoone ee maanta xilka laga qaaday ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay waxyaabaha ka socda gobolka Gedo oo uu sheegay iney ka gaabisay Xukuumadda hada jirta.

“Waa wax aad looga xumaado mana habooneyn in ay xukuumadda ka gaabiso arimaha kaso cusbonaaday gobalka Gedo Waxaan ku baaqayaa in guddi loo saaro Waxa ka jira gobalka Gedo si dadka ku dhaqan Halkaa u helaan adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn Soomaaliya waxaa soo maray xukuumado kala duwan ilaa xukuumadii 1956 waxeyna ahaayeen xukuumado tayo leh, Balse hada xukuumada dalka joogto waa kuwa aan dalka iyo dadka u adeygeyn una adeega danahooda gaarka ah” ayuu yiri Qoone.